Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo ilaalin badeed ka fulisay biyaha Galmudug.
Intii uu socday hawlgalka, waxaa gacanta lagu dhigay doon si sharci-darro ah ugu dhex jirtay biyaha Galmudug. Waxaa la xaqiijiyay in AIS-ka (Automatic Identification System) ee doonta uu dansanaa, taas oo adkaynaysa la socodka iyo aqoonsiga dhaqdhaqaaqa doonta.
Doonida waxaa saarnaa 7 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo dhammaantood hadda ku jira baaritaan ay wadaan hay’adaha ay khuseyso.
Hay’adaha amniga badda ayaa sidoo kale baaraya aqoonsiga doonta, dalka ay ka diiwaangashan tahay, ujeeddada safarkeeda, xamuulka ay sidday iyo sababta loo damiyay nidaamka AIS-ka.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug iyo hay’adaha amniga badda ayaa maalmahan waday hawlgallo joogto ah oo lagu xoojinayo ilaalinta biyaha Galmudug, laguna hortagayo burcad-badeedda iyo gaadiidka badda ee si sharci-darro ah uga hawlgala xeebaha Galmudug.
Baaritaanka dhacdadan ayaa weli socda. Wasaaraddu waxay bulshada iyo warbaahinta la wadaagi doontaa wixii xog dheeraad ah ee kasoo kordha baaritaanka marka ay hay’adaha ay khuseyso si rasmi ah u xaqiijiyaan.











