Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Guud ee Benaadir , kaas oo kamidda Xarumaha Caafimaad oo ay Dowladu gacanta ku hayso isla markaana ay ka faa’iidaystaan Shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Isbitaal Benaadir Marwo Fartun iyo Agaasimayaasha qeybaha Isbitaalka ayaa Wasiirka uga warbixiyay xaalada Isbitaalka waxa uu sidoo kale Wasiir Ku xigeenka kormeer ku sameeyay qaybo kamida isbitaalka isaga oo u kuurgalay xaalada guud iyo sida loola tacaalayo bukaanada usoo doonta daawaynta Caafimaad Isbitaalka.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyay madaxda iyo shaqaalaha isbitaalka kuna dhiiriyay inay halkaas kasii waadaan shaqada baaxadda wayn oo ay qaranka u hayaan, waxa uu sidoo kale usheegay in Wasaaradda ay ka warqabto isla markaana kaalin ka gaysanayso horumariinta.