Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ka furay tababbar soconaya muddo labo maalin ah , kaa oo howlwadeennada Wasaaradda lagu barayo xirfadaha muhiimka u ah Shaqada.

Tababbarkan, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta khibrada iyo xirfadaha ee Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Related posts

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026

“ Ujeeddada aan ka leenahay tababbarkan iyo kuwa la midka ah waa in la helo Shaqaale u tababbaran, khibradna u leh adeegga qaranka iyo Bulshada ay siinayaan hay’adaha Dawladda.” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wuxuu intaa ku daray in isbeddelada ku imaanaya xirfadaha shaqada , inay mudnaan u leedahay Shaqaalaha Rayidka Dawladda inay ku helaan goobahooda shaqada.

Tababbarka maanta furmay oo uu bixinayo khabiir ka tirsan Wasaaradda ,Mudane Cabdullaahi Cumar, ayaa muddada uu socdo , wuxuu diiradda saarayaa horumarinta xirfadda diyaarinta warbixinnada Shaqada.

In ka badan lix boqol (600) oo isugu jira Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo kuwa Rayidka ee Dawladda, ayaa ka faa’iideystay tababbaro gaaban oo ay sannadkaan dabayaaqada ah 2022 , ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Tags: Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho
Previous Post

Duqa Muqdisho iyo safiirka Jabuuti oo ka wada hadlay horumarinta bilicda caasimadda

Next Post

Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Next Post
Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In