Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda ka furay tababbar soconaya muddo labo maalin ah , kaa oo howlwadeennada Wasaaradda lagu barayo xirfadaha muhiimka u ah Shaqada.

Tababbarkan, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta khibrada iyo xirfadaha ee Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“ Ujeeddada aan ka leenahay tababbarkan iyo kuwa la midka ah waa in la helo Shaqaale u tababbaran, khibradna u leh adeegga qaranka iyo Bulshada ay siinayaan hay’adaha Dawladda.” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wuxuu intaa ku daray in isbeddelada ku imaanaya xirfadaha shaqada , inay mudnaan u leedahay Shaqaalaha Rayidka Dawladda inay ku helaan goobahooda shaqada.

Tababbarka maanta furmay oo uu bixinayo khabiir ka tirsan Wasaaradda ,Mudane Cabdullaahi Cumar, ayaa muddada uu socdo , wuxuu diiradda saarayaa horumarinta xirfadda diyaarinta warbixinnada Shaqada.

In ka badan lix boqol (600) oo isugu jira Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo kuwa Rayidka ee Dawladda, ayaa ka faa’iideystay tababbaro gaaban oo ay sannadkaan dabayaaqada ah 2022 , ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.





Tags: Tababbar Lagu Horumarinaayo Shaqaalaha Dowladda Oo Laga Furay Muqdisho
Previous Post

Duqa Muqdisho iyo safiirka Jabuuti oo ka wada hadlay horumarinta bilicda caasimadda

Next Post

Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Next Post
Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Saciid Xuseen Oo Isku Soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In