Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta ka soo degtay diyaarad sidda qaybtii ugu horreysay Ciidamadii tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.
Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaaday xeryaha waddanka Eritrea, ayaaย muddo la sugayey, waxaa garoonka Garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masโuuliyiin ka tirsan Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya.
Ciidamada tababarka ugu soo dhamaaday Ereteriya ayaa qeyb ka noqon doona howlgallada lagula dagaalamaya khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah dalka.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in inta aysan dhamaan bishaan December, la soo bilaabayo ciidmada tababarka ku dhameysaty dalka Eritrea, isla markaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.