Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horumarinta dhaqaalaha 2023

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horumarinta dhaqaalaha 2023
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee Sanadkaan 2023.

Shirkaan, ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka, ayaa sidoo kale lagu soo Bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dad-weynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragtiyo ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Related posts

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan inay xoogga saarto oo ah horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka,ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada ay sanadkaan u leedahay Wasaaradda Maaliyadda xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda iyo isla xisaabtanka taasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay sare u qaadidda dakhliga Dowladda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan maanta ka qeyb galay kulan gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay u qabatay qaar ka mid ah dadweynaha, kulan kaas oo lagu soo bandhigayay qorshayaasha muhiimadda u leh Wasaaradda Maaliyadda Sanadka 2023”.

“Munaasabaddaan waxa aan diiradda lagu saarnay qorshayaasha mudnaanta gaarka ah inoo leh sida dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya”.

Waxa sidoo kale kulanka haddlo taabanayay Horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta hannnaanka Maaliyadda ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo. Raaxo Maxamuud Janaqow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Yaasin Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Guure, Agaasimaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar, iyo Aqoonyahay dhanka dhaqaalaha ah.

Kulanka oo ay sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo qeybgaleen, ayaa ka mid ah barnaamijka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso daah-furnaanta, maamul wanaagga iyo hufnaanta hannnaanka Maaliyadda dalka.




Previous Post

Wasiirka Arrimaha Diinta Oo Kulan La Qaatay Guddiga Garsoorka Ee G/Shacabka 

Next Post

Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Next Post
Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

April 27, 2026
0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In