Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horumarinta dhaqaalaha 2023

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horumarinta dhaqaalaha 2023
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee Sanadkaan 2023.

Shirkaan, ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka, ayaa sidoo kale lagu soo Bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dad-weynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragtiyo ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan inay xoogga saarto oo ah horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka,ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada ay sanadkaan u leedahay Wasaaradda Maaliyadda xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda iyo isla xisaabtanka taasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay sare u qaadidda dakhliga Dowladda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan maanta ka qeyb galay kulan gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay u qabatay qaar ka mid ah dadweynaha, kulan kaas oo lagu soo bandhigayay qorshayaasha muhiimadda u leh Wasaaradda Maaliyadda Sanadka 2023”.

“Munaasabaddaan waxa aan diiradda lagu saarnay qorshayaasha mudnaanta gaarka ah inoo leh sida dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya”.

Waxa sidoo kale kulanka haddlo taabanayay Horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta hannnaanka Maaliyadda ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo. Raaxo Maxamuud Janaqow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Yaasin Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Guure, Agaasimaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar, iyo Aqoonyahay dhanka dhaqaalaha ah.

Kulanka oo ay sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo qeybgaleen, ayaa ka mid ah barnaamijka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso daah-furnaanta, maamul wanaagga iyo hufnaanta hannnaanka Maaliyadda dalka.




Previous Post

Wasiirka Arrimaha Diinta Oo Kulan La Qaatay Guddiga Garsoorka Ee G/Shacabka 

Next Post

Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Next Post
Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Tababar Ku Saabsan Maareenta Waqtiga Oo Loo qabtay Shaqalaha Dowladda

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In