Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi maanta oo Arbaca ah, Kim Jong Un, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa daaha ka qaaday hiigsiga ciidankiisa ee sannadka cusub 2023-ka.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa ku dhawaaqay inuu xoojinaayo awoodda difaaca dalkiis, iyadoo sida uu sheegay ay sii kordhayaan xiisadaha kala dhexeya deriskiisa Kuuriyada koonfureed iyo xulafadeeda.
Dejinta qorsha difaaca Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu go’aamiyay shirkii lixaad ee ballaarinta Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaasi oo uu furay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Isniintii la soo dhaafay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxda sare ee xisbiga, Sarakiisha Ciidamada iyo xubna kale oo ka tirsan dowladda.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Kim uu dejiyay qorshe cusub, si kor loogu qaado awoodaha difaaca, ayna ciidamada isugu diyaarinyaan ka hortaga awoodaha khatar galin karo xasiloonida dalkiisa.
Wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in Madaxweyne Kim, uu qorshahan ugu gol leeyahay sidii meesha looga saari lahaa isu dheellitir la’aan lagu arkay awoodaha Ciidamada kala duwan ee dalkiisa.