Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Wafdiga qeyb ka ahaa raโiisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad Gobolleedyada, xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne fara badan.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah uga bilaatay maanta Muqdisho ayaa lagu wadaa in kulammo la qaato madaxda Qaranka, isagoo sidoo kale xarigga ka jiri doono xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA).
Xiriirka soo jireenka ee dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti waa mid dhiig iyo dhaqan wadaag ah oo aan marnaba goโi kareyn.