Af-hayeenka Wasaaradda Difaaca Ruushkaa, Igor Konashenkov oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay burburiyeen Laba difaac oo madaafiicda Goobta ah, nooca lagu farsameeyey Maraykanka ee loo yaqaanno HIMARS, kuwaasi oo qeyb ka ah Gantaalada loogu deeqay Ciiddanka Ukraine.
Waxa uu af-hayeenka tilmaamay in duqeymahan ku tala galkooda ay ahayeen in lagu burburiyo Gantaalladan oo yaallay meel ku dhow Gobalka Donetsk ee Bariga dalka Ukraine.
Sidokale Ciiddanka Ruushka waxay shegeen in intii uu socday Hawlgalkan ay burburiyeen Sedax kamid ah Madaafiicda Howitzer M777 oo isla dalkaas Maraykanka lagu farsameeyey.
Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda difaaca Ruushka waxa kale oo uu xusay inay duqeeymo ku dileen in ka badan 130 maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaasi oo lagu beegsaday degaanka Maslyakovka, oo u dhow magaalladda Kramatorsk ee Gobalka Donetsk.
Duqeymahaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii ay Milliteriga Ukraine duqeyn Gantaal ku dileen ugu yaraan 63 askar oo ka mid ah Ciidamada Ruushka, oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Makiibka ee Gobalka Donetsk oo ay Raashiya qeybo ka maamulaan.