Wakaaladahaa wararka waa hey’addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka, waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.
Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada, Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana kamid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida,- AFP, Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.
Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha
Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.
Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.
Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .
Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.
Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.
Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.
SONNA ayaa ah isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.
Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.
Sadex iyo tobankii sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.
Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa-
1-in hawsha SONNA la gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.
2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee caalamka.
3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.
4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.
5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,
6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee goboladaa iyo caalamka.
7– tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.
8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadii dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaska wakaaladda.
Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.