Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Maxamuud Caddow iyo Madaxa Heyโadda WHO ee Soomaaliya Dr. Mamanur Malik, ayaa kormeer ku tagay xarumaha Caafimaad ee loogu adeego dadka soo barakacay kuwaasi oo ku yaala Degmada dayniile si ay ugu kuurgalaan baahiyaha caafimaad oo ay qabaan dadkaas.
Wakiilka WHO ee soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan baahiyaha ay indhahooda kusoo arkeen, sidoo kale wuxuu dhammaan heyโadaha ka shaqeeyo Soomaaliya qeybahooda kala duwan ka codsaday in ay dadkaas lasoo gaaraan gurmad deg deg ah maadaama baahiyaha ay qabaan aynan ku koobneen baahi caafimaad oo kaliya.
Agaasimaha Caafimaadka Gobalka banaadir Mr. Maxamed Maxamuud caddow ayaa sheegay in waaxda caafimaadka in ay si joogto ah gargaar caafimaad ugu fidiso dadka barakacyaasha ah iyadoo caqabada ugu weyn ay heysato ay tahay in ay maalin kasto degmadaas soo gaaraan barakacayaal cusub.