Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta booqday Warshadaha hubka, rasaasta & gawaarida dagaalkaas.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dardargalineysa qorshaha Xukuumadda ee ah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, Iyadoo kooxda hadda laga xoreeyay deeganno badan oo dalka ah, sidoo kale Wasaaradda ayaa xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada xoogga dalka.