Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareekanka oo abaal marin siindoona cidii keenta xogta shaqsiyaad Argagaxisada katirsan

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Mareekanka oo abaal marin siindoona cidii keenta xogta shaqsiyaad Argagaxisada katirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hayโ€™adda Nabad sugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale.

Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu ย maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026

Macalin Ayman waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya.

Ayman ayaa masโ€™uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020. Bishii Noofambar 2020, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah.

Weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ,waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qayb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay urur argagixiso caalami.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo booqday Warshadaha Hubka ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Next Post

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Next Post
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In