Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaaadka Oo Xilka Lawareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 7, 2023
in Wararka
0
Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaaadka Oo Xilka Lawareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda, ayaa maanta Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Axmed Yusuf Cabdulle iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Dr Cabadi Naasir Mukhtar Ibrahim.

Xafladda oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Maxamed.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiiro, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Bankigga dhaxe xubno ka socoday hanti dhowrka Qaran iyo Madax kale oo ka socotey hey’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaaddka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda caafimaadka Dr Cabdi Naasir Mukhtar Ibrahim iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Dr Ahmed Yuusuf Cabdulle.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliintii kale ee kasoo qeyb gashay, ayaa la soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxay si diiran loo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoona loogu soo jeediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.


 

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Oo Kulan La Qaatay Macalimiinta Xulka Qaranka 17 Jirrada

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In