Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaaadka Oo Xilka Lawareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaaadka Oo Xilka Lawareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda, ayaa maanta Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Axmed Yusuf Cabdulle iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Dr Cabadi Naasir Mukhtar Ibrahim.

Xafladda oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Maxamed.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiiro, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Bankigga dhaxe xubno ka socoday hanti dhowrka Qaran iyo Madax kale oo ka socotey hey’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaaddka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda caafimaadka Dr Cabdi Naasir Mukhtar Ibrahim iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Dr Ahmed Yuusuf Cabdulle.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliintii kale ee kasoo qeyb gashay, ayaa la soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxay si diiran loo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoona loogu soo jeediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Ciyaaraha Oo Kulan La Qaatay Macalimiinta Xulka Qaranka 17 Jirrada

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In