Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Waddada Laacdheere –  Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan  14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Waddada Laacdheere-Rabaable ee maanta xariga laga jaray, ayaa waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah Kebarco.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda  Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale Mudane Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabayr oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis, waxaana ay qeyb ka tahay Waddooyinka ay dhisayso Shirkadda Kebarco, ee lagu hirgalinayo Qorshaha Cashuurta Dalka lagu dhisayo.

Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa ahmiyad gaar ah siisay dhismaha Waddooyinka, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladdu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dadku helo adeeg Dowladnimo oo dhameystiran.

 

Previous Post

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Caafimaaadka Oo Xilka Lawareegay

Next Post

Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka shiray ajandayaal muhiim ah

Next Post
Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka shiray ajandayaal muhiim ah

Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka shiray ajandayaal muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In