Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa intii uu maanta ku guda jiray safarkiisa waxa uu dayaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa.
Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin ka heysta dhinaca Socdaalka dalalka ay ka yimaadaan, taasi oo Mudane Xamse uu faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg deg ah u helo cabashooyinkaasi.