Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasiirrada Maaliyadda DF iyo DG oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
January 11, 2023
in Wararka
0
Shirka Wasiirrada Maaliyadda DF iyo DG oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhexeeya wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka hadallo ka jeediyey wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ayiday qodobada ka soo baxay shirka.

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka maaliyadda dalka iyo arrimaha kale oo muhiim u ah dib u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Shirka ayaa waxa aan ka soo qeybgalin wasiirka maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka wasiirrada maaliyadda.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Previous Post

Aadan Madoobe oo la kulmay siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka K/Galbeed

Next Post

Madaxweyne Xasan  “Ma dooneyno dalka guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo”

Next Post
Madaxweyne Xasan  “Ma dooneyno dalka guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo”

Madaxweyne Xasan  "Ma dooneyno dalka guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In