Wasiirka Amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Guddiga Difaaca Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degaanka Saqiiro ku sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Degaanka oo qeybgalayay Xoreynta degmada Xarar-dheere iyo degaanno hoos yimaada, kuwaas oo howlgalkoodii kowaad maanta la wareegay Degaannada Ceelhuur iyo degaanno ku xeeran.
Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan Guddoomiyaha Difaaca Koonfurta Mudug ayaa Ciidamada u sheegay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo halkaas kula hadlay ciidamada wadajirka ah ayaa ku boggaadiyay xoreynta deegaannada iyo Shacabka muddada ay dhibaataynayeen Kooxaha Khawaarijta Ah, wuxuuna kula dardaarmay inay masโuuliyad ay iska saaraan dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka iyo deegaannada kale ee ay tagi doonaan.
Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug oo garab ka helaya ciidama xoogga dalka dowladda iyo xoogaga kacdoonka degaanka ayaa howlgallo lagu xoraynayo degaannada ka maqan gacanta Galmudugย ka wadaan degaannada hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.