Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta gaaray magaaladda Wisil ee Gobolka Mudug, si ay u dardar galiyaan howlgalladda dib-u-xorreynta deeganada Koonfurta Mudug.
Wasiirka Gashaandhigga,ayaa yiri ” Waxaan idinkaga mahadcelinaynaa i ntii aad soo qabateen ee shaqo ah,Waxaan rabnaa inta dhimman inaad nala garaan girisaan”.
” khawaarijta waa kuwa xataa arigii dhahay waa Murtadiin,dad iyo duunyo midne dhaafi mayaan,ee aan iska dulqaadno cadowga”.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ayaa wadaan howlgallo dalka looga cirib tiraayo khawaarijta.