Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa siwadajira u dhagaxdhigay madaxtooyada magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa intii uu joogay halkaas ka daah furay Shirka Dhab u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoona kulamo la yeeshay madaxweynaha iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.