Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kormeeray dadkii ku dhaawacmay Xarunta Gobolka Banaadir 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kormeeray dadkii ku dhaawacmay Xarunta Gobolka Banaadir 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqa ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta si deg deg ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo dhibaatadii ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar oo ay dad ku wax yeeloobeen.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada Gobolka Banaadir, ayaa ugu horeyn booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii kusoo wax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir, isagoo u rajeeyay in uu ilaaheey Caafimaad deg deg siiyo.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen dhagar qabayaal katirsan Khawaarijta, kuwaas oo daqiiqada kooban gudahooda ay toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo, isugu jiray Tacsiyeen, iyo Mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.



Previous Post

Madaxweynaha Jubaland oo xariga ka jaray Wasaaradda Caafimaadka

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In