Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ay ku soo rogtay gobolka Kordofan ee dhaca bartamaha dalkaasi, ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen weeraro hubeysan, oo ay ka dhasheen falal isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wakaaladda wararka daan ayaa sheegtay in ku dhawaaqista xaaladda degdegga ah ay timid ka dib markii lagu dilay afar qof, tiro intaa ka badana lagu dhaawacay gobolkaas subaxnimadii Isniinta.
Wakaaladda oo soo xiganeysa Guddoomiyaha gobalka Kordofan, ayaa sheegtay in go’aankan ay gareen guddiga amniga gobolka, si ay u xalliyaan fowdada iyo talaabooyinka sharci-darrada ah ee ka socda gobalka.
Wargeyska Sudaan Tribune, ayaa sheegay in weerarro ay geysteen kooxo hubeysan ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, si taasi loo xakameeyana ay Dowladda tallaabadani u qaadatay.
Xaaladdamn degdeg ah ayaa sida la sheegay gobalka kasii jiri doonta muddo bil ah, si hubka laga bixiyo gacanta muwaadiniinta.