Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la macaamilka Khawaarijta uu yahay xaaraam, qofkii kaalmeeya ama xoolo siiyana uu galay dembi aad u weyn.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad “La macaamilka Khawaarijta waa xaaraam, dembi weyn ayuu galay qofkii kaalmeeya oo xoolo siiya.”
Sheekha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaasi ku daray in diiniyan iyo waddaniyad ahaanba aysan bannaaneey in khwaarijta wax lala wadaago.
Wuxuu sheegay in khwaarijtu ay mar walba ku howlan yihiin inay wax dilaan waxna dhibaan ama laayaan dad walaalahood ah oo aan waxba galabsan muslimiinna ah, sidaa darteedna qofkii la macaamila uu yahay qof ku kaalmeeyay dembigooda diintuna ay fogeysay.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa faray bulshada Soomaaliyeed inay iska diidaan taakuleynta baqdinta ku salaysan ee ay u fidinayaan khawaarinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay awooddii nabad-diidku haatan burburtay oo anay jirin wax uu qofku ka cabsado.
Sheekh Mustafe Yuusuf Cali oo ka mid ah Culimada ayaa isaguna sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo in dowladda kaliya aysan ku fiirsan dagaalka Khawaarijta.