Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 30, 2023
in Wararka
0
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ayaa warbaahinta la hadlay markii Muqdisho lagu lasoo dhaweeyey kadib, wuxuuna si quta dheer uga hadlay hiilka ay walaalaha reer Jabuuti la garabtaagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

August 4, 2025

Wasiir Xasan Cumar ayaa si gaar ah u balan qaaday in Jabuuti ay kaalin hagar la’aan ah ku yeela doonto dagaalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo, kaas oo ciidanka Hiil-walaal ee Jabuuti ka socda ay dowladda Soomaaliya ku garab siinayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay abaal-weyn u hayaan shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in jihaadka dalka Soomaaliya looga cirirbtiayo argagixisada ay kaalin weyn ka qaadanayaan ciidanka Hiil-walaal ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, isagoo uga mahad celiyey in naftooda ay u soo hureen sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali lahaa.

Safarka wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ee Muqdisho ayaa la xariira ka qeyb galka shir weyn oo maalmaha soo socda ka dhici doona caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee Howlhalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Shirkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Soomaaliya uu ka socdo gobollada dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal lixaad oo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Previous Post

Safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya oo ka hadlay doorkooda taageero siinta hawlgalada dalka looga xorraynayo khawaariijta

Next Post

Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Next Post
Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga...

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

August 4, 2025
0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In