Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta xilka si rasmi ah kala wareegay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Munaasabad uu ka qeyb galay Raโiisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Saraakiil iyo masโuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayuu xilka kula wareegay taliyaha cusub, taas oo ka dhacday xarunta Dugsiga Tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xureeyay Khawaarijta.
โCiidanka Booliska Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, waxaana diyaarsan qorshe iyo Istiraatiijiga cusub oo loogu tagalay Booliska si loo sii hormariyo, taliskuna ciidamo Boliis ah ayuu geeyay magaalooyinka Khawaarijta laga xurreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe,โ ayuu yiri Taliye Xijaar.
Sidoo kale, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay, ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hayโadda Booliska, si awood badan uu u yeesho Booliiska Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirradda Xukuumadda Federaalka, ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.