Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xilka la wareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta xilka si rasmi ah kala wareegay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Munaasabad uu ka qeyb galay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayuu xilka kula wareegay taliyaha cusub, taas oo ka dhacday xarunta Dugsiga Tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026

Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xureeyay Khawaarijta.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, waxaana diyaarsan qorshe iyo Istiraatiijiga cusub oo loogu tagalay Booliska si loo sii hormariyo, taliskuna ciidamo Boliis ah ayuu geeyay magaalooyinka Khawaarijta laga xurreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Sidoo kale, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay, ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirradda Xukuumadda Federaalka, ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Previous Post

Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Gen indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga.

Next Post

Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Next Post
Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In