Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa markii sadaxaad galabta waxa ay magaalada Muqdisho keentay 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaalada ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada Soomaaliland.
Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee BFS, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Agaasimaha guud ee Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka, Agaasimaha waaxda cafimaadka waxaana dhawacyadaan Magaalada garowe ka soo daabulay diyaaradda dhawacyada kaas oo uu la socday Madaxa xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta Musiibooyinka
Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa dhawacyadaan u daabulay xarumaha cafimaadka magaalada si loogu baxnaaniyo
Agaasimaha xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Cabdullahi Qaran) Magaalada garoowana ka soo qaaday dhawacyadan ayaa xusay in 20 qof oo qaba dhawacyo kala duwan galabta magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”. Ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sareysa hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo dhawacayadan isku howlay sidii Muqdisho loo soo gaarsiin lahaa
Waa qeybtii sadaxaad dadka ku dhaawacmay dagaalada laascaanood ee hey’adda Maareynta Musiibooyinka ay magaalada Muqdisho soo garsiiso si loogu baxnaniyo cafimaadkooda madaama ay ku jiraan dadkaan kuwa qaba dhaawcyo culus.