Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa gaaray Caasimadda Serbia ee Belgrade ,kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Serbia Dr. Zoran Gajić.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Caasimadda Belgrade, ku soo dhoweeyay Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga Belgrade Amb. Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Sida uu qorshuhu yahay Wasiirka ayaa la kulmi doona dhiggiisa Wasiirka Cayaaraha isagoo sidoo kale ka qayb-gelli doona xafladda xiritaanka horyaalka Caalamiga ah ee IMMAF World Championships.

Wasiir Maxamed Barre ayaa inta uu joogo Belgrade lagu wadaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin kale oo dowladda Serbia ka tirsan, kuwaas oo uu kala hadli doono tababarka xirfadaha gacanta oo dalkaasi uu aad ugu horeeyo, si looga faa’iideeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan fursadda u hellin waxbarashada Nidaamiga ah.

Wafdigaasi oo uu kamid ahaa la-taliyaha wasiirka Eng. Fahad Cali Xasan,waxaa lagu wadaa in booqasho shaqo oo laba cisho ah ku joogaan dalkaasi.

Soomaaliya iyo Serbia oo lahaan jiray xiriir facweyn ayaa dib boorka uga jafay xiriirkoodii, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dalkaasi ku leedahay safaarad kaalin muuqata ku leh xoojinta xiriirka labada dal.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la qaatay Madax ka qeybgalaysa Shirka Midowga Afrika

Next Post

Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Next Post
Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In