Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo booqasho howleed ku jooga Serbiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa gaaray Caasimadda Serbia ee Belgrade ,kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Serbia Dr. Zoran Gajić.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Caasimadda Belgrade, ku soo dhoweeyay Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga Belgrade Amb. Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sida uu qorshuhu yahay Wasiirka ayaa la kulmi doona dhiggiisa Wasiirka Cayaaraha isagoo sidoo kale ka qayb-gelli doona xafladda xiritaanka horyaalka Caalamiga ah ee IMMAF World Championships.

Wasiir Maxamed Barre ayaa inta uu joogo Belgrade lagu wadaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin kale oo dowladda Serbia ka tirsan, kuwaas oo uu kala hadli doono tababarka xirfadaha gacanta oo dalkaasi uu aad ugu horeeyo, si looga faa’iideeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan fursadda u hellin waxbarashada Nidaamiga ah.

Wafdigaasi oo uu kamid ahaa la-taliyaha wasiirka Eng. Fahad Cali Xasan,waxaa lagu wadaa in booqasho shaqo oo laba cisho ah ku joogaan dalkaasi.

Soomaaliya iyo Serbia oo lahaan jiray xiriir facweyn ayaa dib boorka uga jafay xiriirkoodii, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dalkaasi ku leedahay safaarad kaalin muuqata ku leh xoojinta xiriirka labada dal.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la qaatay Madax ka qeybgalaysa Shirka Midowga Afrika

Next Post

Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Next Post
Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidamada Mareykanka oo weerar cirka ah ku dilay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In