Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis- Ababa kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo sidoo kale in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya uga qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.