Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo war rasmi ah ka soo saartay weerarkii ay Khawaarijtu ku qaaday guriga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa

Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.
-Dhammad-

Previous Post

Wasiirka Amniga Galmudug oo bogaadiyay guulaha ay CXDS ka soo hooyeen Koonfurta Gobolka Mudug

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Wasiirka Caafimaadka oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In