Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Isbadalka Cimilada XFS oo amar kasoo saartay fuustooyin kusoo caariyay Xeebta Cadale 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Isbadalka Cimilada XFS oo amar kasoo saartay fuustooyin kusoo caariyay Xeebta Cadale 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa digniin ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fuustooyinkaas ay muddo badan yallaan degmada Cadalle, isla markaana dadka degaanka ay walaac badan ka muujiyeen, iyaga oo uga shakiyay inay kujiraan waxyaabo kiimiko iyo sun ah.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

“ Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada waxa ay sida ugu dhaqsaha badan qorshaynaysaa in ay koox khubaro u saarto arrintan, kuwaas oo baara walxaha looga shakisan yahay fuustooyinkan, si deg deg ahna ku gaari doona degmada Cadale si ay u hubiyaan maaddooyinka ay ka kooban yihiin”.

Ugu dameyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegtay inay xiriir la sameysay maamulka degmada Cadale,, isla mmarkaana isla meel dhigaeen in si kumeelgaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka, waxaana dadka deegaanka la faray in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo Bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay wafdi ka socda OIC

Next Post

PM Hamza Abdi Barre launches Ministry of Education’s teacher hiring exam

Next Post
PM Hamza Abdi Barre launches Ministry of Education’s teacher hiring exam

PM Hamza Abdi Barre launches Ministry of Education’s teacher hiring exam

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In