Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Galbeedka Aasiya ee QM

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Galbeedka Aasiya ee QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane, Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay shirka golaha dhaqaalaha iyo bulshada ee galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay (ESCWA).

Shirka farsamo cilmiyeedka ganacsiga iyo dhaqaale kobcinta ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga caawiyo ganacsiyada gobolka sidii ay u heli lahaayeen suuqyo heer gobol iyo heer caalami ah, kobcinta ilo-dhaqaale iyo keenista xeeladaha loo baahan yahay in lagu taageero SMES.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Wasiir Cabdisalaam Shariif ayaa kulanka ka bidhaamiyay iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya dunida Carabta iyo baahida loo qabo in la billaabo weji cusub oo loogu talagalayo kor u qaadista heerka maalgashiga ganacsiga iyo in lasii xoojiyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ESCWA.

Wuxuu wasiiru dowlaha ka qeyb galyaasha kulanka la wadaagay in soo laabashada shirkadaha shisheeye ee Soomaliya ay ku timid isbeddalka wanaagsan ee xaaladda amniga , xasilloonida iyo mustaqbalka dalka oo dhan, taas oo ku timi ballanqaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo Wasiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero oo la hawl-geliyo rugaha wadajirka ah ee gobolka, si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada iyo hababka maaliyadeed ee qaab dhismeedka dib-u-soo-nooleynta ganacsiga, warshadaha iyo waaxaha maalgashiga.

Madashu waxay matali doontaa saldhig muhiim ah oo qaabkeedu aasaasku yahay iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammaystiran oo faa’iido u leh gobolka iyo fursadda ka faa’iidaysiga dheeraadka ah ee dhinacyada is-dhexgalka ganacsiga ee ka dhexeeya gobollada ay hay’addu matasho iyo Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga suuqyada cusub ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Previous Post

Xildhibaanada Golaha Shcabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Argagixsada

Next Post

RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

Next Post
RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

RW Xamse oo hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In