Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraad-ka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraad-ka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadisho ayuu Guddoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen doorka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriika guud ee hay’addaha UAE ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka, yareenta musiibooyinka iyo gurmadka Degdega.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Gudoomiyaha, ayaa ugu horreyn dowladda iyo Shacabka Imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowladda Imaaraad-ka in ay kala shaqeeyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xorreeyay kooxaha khawaarij-ta iyo taageerida Arrimaha Saadka si loo gaarsiiyo gargaarka.

Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa balan qaaday In ay la shaqeeyn doonaan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Madaxweyne ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarahiisa Xamsa Cabdi Barre sidoo kalana balan qaaday in si dhawna u la shaqeeynayaa Hayadda Maareynta Masiibooiyinka Qaranka SoDMA.

Previous Post

National Education Conference opens in Mogadishu

Next Post

Taliyaha CBS oo Isbitaalka Madiina ka dhagax dhigay qeybta hooyada iyo dhallaanka

Next Post
Taliyaha CBS oo Isbitaalka Madiina ka dhagax dhigay qeybta hooyada iyo dhallaanka

Taliyaha CBS oo Isbitaalka Madiina ka dhagax dhigay qeybta hooyada iyo dhallaanka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In