Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee Wasiirada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Barre ayaa shirka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay in raasumaalka ugu muhiimsan ee dalkiisu ku tashanayo uu yahay xoogga usoo kacayo oo ah inta badan Mujtamaca Soomaaliyeed 75%, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay marxaladdan kala guurka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay marayaan iyadoo inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab oo awal ahaa caqabada ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-taagan horumar inay sameeyaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal oo shirkan marti geliyay iyo wasiir Dr Ashraf Subxi Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Jamhuuriyadda Masar oo madax ka ah golaha fulinta wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Jaamacadda Carabta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo xubno ka tirsan la-taliyayaasha Wasiirka ayaa ku weheliyay furitaanka shirkan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud.

Previous Post

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo furay tababar ku saabsan baarista iyo dambiyada ka dhaca Xeebaha

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In