Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Moallim Cabdulle oo safar shaqo ku joogo caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta booqday qaar kamid isbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyada dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiirada Wasaaradaha Gargaarka , Duulista hawada Puntland ayaa warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta cisbitaalada ay booqdeen, waxaa ayna u sheegeen culeesyada ka jiro la tacaalidda dhaawacyada soo gaaraya cisbitaalada.
Guddoomiyaha ayaa u balanqaaday maamulka iyo dhakhaatiirta cisbitaalada ay booqdeen in ay Hay’adda SoDMA mar walba ay diyaar ula tahay in ay la garab istaagto waxii ay awoodo, waxaa uuna ku amaanay shaqada muhiimka ah ee Qaranka u hayaan xiligan adag.