Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoo u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray bulshada waxheysata inay caawiyaan walaalood kale ee aan waxba heysan, isla markaana shacabka looga fadhiyo inay is cafiyaan dhexdooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashda bisha barakaysan ee Ramadan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isna ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta loona baahan yahay in laga faa’iideysto.