Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda oo deeq dawo ah guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha gudaha XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda oo deeq dawo ah guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha gudaha XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta deeq dawo ah ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kelimad kooban kajeediyay munaasabadda lagu guddoonsiinayay dawada ayaa waxaa uu bogaadiyey Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

“Waxaan rabaa in aan ka mahadceliyo dadaalka safiirka iyo kalsoonida ka dhaxeysa Jaaliyadda oo ay ka muuqato deeqdan, oo ah Jaaliyaddii kowaad iyo Safiirkii koowaad ee dalka soo gaarsiiya deeq ka timid dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi deganaa”.ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa  si gaar ah ugu mahadceliyay Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in tallaabadan ay niyad-dhis u tahay ciidanka xoogga dalka ee dib u xorreynta ku jira, ayna muujineyso in ay leeyihiin Safaarad iyo Jaaliyaddagaalka kula jirta, isaga oo Jaaliyadaha iyo  madaxda safaaradaha kale ee dibadda ugu baaqay in ay ku deydaan.

Goobta lagu guddoomay deeqda waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay qeybta degdegga ah ee Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo hogaanka caafimaadka ee XDS iyo hey’ado kale.

Waxaana ugu danbayn daawadaas lagu wareejiyay qeybta gargaarka deg degga ah ee hey’adda SoDMA iyo hogaanka caafimaadka ee XDS.

 




Previous Post

Wasiirka tamarka iyo kheyraadka biyaha XFS oo ka warbixiyay wax qabadka wasaaradda

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Wasiirka Caafimaadka oo Guddi u xilsaaray wax ka qabashada qeybta gubatey ee Isbitaalka Demartino

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In