Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay gaaraan Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha,Romdhane Ben Amor ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontaasi ay ku degtay xeebaha Mahdia ee dalka Tuniisiya ka dib markii ay ka soo shiraacatay  xeebaha Sfax ee dalkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Afartii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan shan doonyood oo ay saarnaayeen dad qaxoonti iyo tahriibayaal ah ayaa ku degtay koonfurta magaalada Sfax, waxaana la la’yahay 67 qof halka sagaal kalena ay dhinteen,isla markaana la badbaadiyay shan ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Tuuniisiya ayaa  sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay ay joojiyeen ilaa 80 doonyood oo ku wajahnaa dalka Talyaaniga, waxaana ay xireen in ka badan 3,000 oo qof oo u badan dad ka yimid wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

wakaaladda wararka ee ANSA ee Talyaaniga ay sheegtay in in ka badan 2,000 oo magangalyo doon ah ay 24 saac gudahood ku gaareen jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga.

Masiibadii ugu dambeysay ayaa timid xilli ay socdaan olole ay mas’uuliyiinta Tunisia ku xirayaan dadka aan sharciga lahayn ee ka imaanaya dhulalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe

Next Post

Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Khawaarijta

Next Post
Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Khawaarijta

Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In