Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Gaadiid dagaal oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xoogga, gaar ahaan ciidanka Gor Gor kala wareegay Dowladda Turkiga.
“Waxaan maanta dekadda Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, waxaan u mahad celinaayaa shacabka iyo Dowladda Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Jaamac.