Munaasabad isugu jirtay Qur’aan akhris iyo Duco loo sameenayay Shuhadadii ku shahiiday weerarkii ay Khawaarijta ku qaadeen xarunta Gobolka Banaadir 22 January 2023 ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.