Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeeray xarunta Shaybaarka Qaranka.

Madaxa Shaybaarka Qaranka Dr Maxamuud Axmed ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Shaybaarka Wasiirka, isagoo warbixin kooban ka siiyay Wasiirka howllaha Shaqo ee Shaybaarka, tallaabooyinkii ay qaadeen iyo caqabadaha yaryar ee ku hor gudban howllahooda shaqo si loo sii horumariyo isla markaana looga gudbo caqabadaha jira ee xalka deg degga ah u baahan.

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Shaybaarka iyo shaqada adag ee uu u hayo Bulsho waynta Soomaaliyeed, waxa uuna mid mid u dul istaagay Qalabka iyo Xafiisyada ay Ku shaqeeyaan Shaqaalaha Shaybaarka si loo hubiyo howllaha ka socoda, maadaama Xarunta ay tahay mid muhim u ah hanaanka Caafimaadka dalka iyo habsami u socodka howllaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu sii horumarin doonto howlaha Shaqo ee Shaybaarka taas oo qeyb ka ah hiigsiga horumarinta adeegga Caafimaad ee guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo howlaha horutabinta leh ee horyaalka Wasaaradda Caafimaadka iyadoo la raacayo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ballaarinta iyo tayeynta Caafimaadka dalkeen.

Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xusay inay ka go’antahay xaqiijinta yoolka Caafimaadka iyo daryeelka dadka, iyadoo marba marka ka dambeysa qaadeysa tallaabo kasta oo sida ugu haboon loogu gaari karo adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana laga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya.






Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa NRC ee Soomaaliya

Next Post

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In