Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Turkiga oo si wada jir ah u daahfuray qeybta cusub ee TRT

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Turkiga oo si wada jir ah u daahfuray qeybta cusub ee TRT
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah magaalada Istanbul daaha uga rogay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Warbaahinta  caalamiga ee TRT World ee Turkiga ee la hadli doonta Qaaradda Afrika.

Laantan cusub oo la yiraahdo TRT AFRIKA ayaa la hadli doonta ilaa 400 milyan oo daawadeyaal oo ku dhaqan Qaaradda Afrika iyo dalalka dibedda, waxaana barnaamijyada ka bixi doona ay isugu jiraan arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska iyo tiknoloojiyadda, dhallinyarada iyo isboortiga.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Aasaasidda laantan cusub ee digitalka ee TRT AFRIKA ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya waddamada Afrika iyo dalka Turkiga.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ka faa’ideysan doona barnaamijyada iyo wararka ay TRT AFRIKA u tebin doonto Qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale isla munaasabadaas kaga qeybgaley Shirweynihii 1aad ee Ururka Warbaahinta Midowga Afrika iyo TRT, kaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta warbaahinta Afrika iyo TRT.

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu ka qeybgaley kulan lagu falanqeynayey xiriirka Afrika iyo Turkiga iyo doorka Warbaahinta ka qaadan karto iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in xiriirka Afrika iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, salna uu u yahay wax wadaqabsi iyo wadashaqeyn ay labada dhinac ka faa’ideysan karaan, isagoo dhanka kalena faahfaahin ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka uu ku tallaabsadey 12kii sanno ee la soo dhaafey. Waxaa uu Wasiirka intaa ku darey in ilaa 38 dal oo Afrikan ah ay safaarado ku leeyihiin Turkiga, halka Turkigana uu ilaa 44 safaaradood ku leeyaha Qaaradda Afrika, taasna ay ka tarjumeyso muhimadda xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

Next Post
10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

10 qpf oo ku dhaawacantay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Degmada Caabudwaaq

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In