Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.
Dowladda Federaalka waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iyo wax wadaqabsiga kala dhexeeya Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee daneeya xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.