Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Goobaha Khawaarijtu ku harsan tahay wali waxaa ka jira dhaqankii xumaa ee “Memoriga biyo ku laq.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanado badan war iyo wacaal midna uma haynin waxa ka socda dunida, Bulshada Aadan-Yabaal iyo deegaannada kale ee kooxda Khawaarijta ah laga xoreeyay iyo kuwa fara ku tiriska ah ee hadda ay joogaan.

Khawaarijtu waxay deegaannada ay xukumaan ka mamnuuceen taleefanada casriga ah,sidoo kale, waxay ka xireen shirkadaha isgaarsiinta adeega internetka. Bulshada magaalooyinkaasina waa ay ku adkeyd in ay la socdaan waxa dunida ka jira.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

“ Inta aan jiro oo aan noolaa ma arkin telefoon weyn oo leh shaashado, intaan joognay waxaan maqli jirnay internet ayaa la galaa, waxbaa la dhageystaa, intaas waligey ma arkin,” ayuu yiri Axmed Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada degmada Aadan-Yabaal.

Axmed Maxamed waxa uu ka mid yahay dhalinyarada kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay dhowr jeer ku dhibaateeyeen isticmaalka meemoriga taleefoonka. Waxa uu ka sheekeynayaa Axmed gabood-faladii Khaawrijtu ay u geysteen intii uu ku noolaa degmada.

“ Meemoriga aan haysano inta ay naga jabshaan ayay laq na dhahayeen, hadda qof kasta oo meeshaan joogo maanta caloosheeda waxaa laga yaabaa in boqol meemori laga helaayo oo nimankaas cun siiyeen,meemoriga adigoo iska dhageysanaayo haddii xitaa uu kugu jiro Qur’aan ama wax kale wey kaa qaadayaan oo kaa jabinayaan, haddana inta ay labo u kala jabiyaan ayay inta ay biyo kuu keennaan waxay ku leeyihiin laq meemorigan oo adigoo lacag ka soo bixiyay,dhibaato badan ayaa ku qabnay intaan degmadan joognay,”

Axmed hadda noloshiisa sidii hore waa ay ka beddelan tahay, waxaana adeegyada internetka u isticmaalaa si caadi ah. Internetka magaalada waa mid xawaare sare leh oo markii ay dowladda timid loo soo daayay iyo deegaannada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

“ Haddii Dowladdii timid, maalintii nimankan naga tageen, maalintaa ayaa taleefan weyn oo qof sidato taleefoonada waa weyn ah noogu horeysay aragooda,” .

Si Bulshada u indho tiraan, Khawaarijtu waxay qaadeen tallaabo fool xun  oo ay meelaha qaar ay kaga bur buriyeen xarumahii isgaarsiinta, halkaas oo ay markii dambe gudaha u galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka dibna loo soo celiyay shirkadii isgaarsiinta. Shacabkana ku diirsadeen.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa dhibaato xooggan ku haysay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugnaayeen, waxaana hadda taas beddelay oo lagu diirsaday howlgallada wadajirka ah ay qaadeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka oo deegaanno badan looga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.

Previous Post

Khawaarijta oo dab qabadsiiyay Guryo ay Dad shacab ah lahaayeen

Next Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay Barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir 

Next Post
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay Barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir 

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay Barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir 

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In