Kulankani oo shir guddoomiye taliyah guutada 14=October a ee ciidanka xoogga dalka Gashanle dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey) oo ay wehliyaan taliyayaasha ururad afar iyo tobanka oktober,sarakiisha degamada Janaale ayaa looga hadlayay amniga degaanka iyo howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ay ciidamada xoogga dalka kawadaan degaannada ka tirsan shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi Nuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidmada amniga,waxa uu ammaanay sarkiisha ciidmada Qeybta 14-october kalinta weyn ay ka qaateen sugida amniga degmada Janaale iyo sidoo kale dar-dargalinta howlgallada khawaarijta lagu baacsanayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliayah Guutada 14-october Gashanle dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey) ayaa dhankiisa bogaadiyay wada shaweynta wanaagsan ee shacabka degaanka iyo ciidmada u wada shaqeyaan,waxa uu sidoo kale digniin u diray askarta isku dayda in ay isbaaro dhigtaan in aan la qabali doonin oo cidii lagu arkaa sharciga la horgeyn doono.
Taliska ciidamada ee Guutada 14-octoober ee ka howlgala inta badan gobolka shabeellaha Hoose ayaa halkaa kawada howlgallo lagu sugayo amiga degaannada katirsan gobolka iyo baacsiga haraadiga kooxda khawaarijta Al-shabaab