Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa guri uu degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku weeraray horjooge sare oo ka tirsanaa Ajaaniibta ka bar bar dagaalama Maleeshiyaadka Khawaarijta.
Horjoogahaan gurigiisa lagu weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaabir waxaana uu ka mid yahay Horjoogayaasha Ajaaniibta ah ee saameynta ku dhex leh kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Khawaarijta Al-Shabaab kuwaasi oo hada si weyn uu khilaaf u hareeyey .
Maleeshiyaad toos uga amar qaata horjoogaha dhagarta badan ee Mahad Karataay ayaa weeraray guriga uu Jilib ka degenaa Horjooge Jaabir oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya kaasi oo ku yaala Suuqa Mallaayga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Wararka ay Warbaahinta Qaranka ka heshay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaad laba garab ah oo Khawaarijta ka wada tirsan uu dagaal toos ah oo daqiiqado socday uu ku dhex maray suuqa Kalluunka ee degmada Jilib kaasi oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyey 5 ka tirsan Maleeshiyadka Khawaarijta ayaa ku geeriyooday dagaalkan tooska ah ee gudaha magaalada Jilib ku dhex maray Khawaarijta halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo uu ku jiro Horjoogaha ajinabiga ah ee gurigii uu degenaa la weeraray kaasi oo isaga oo dhaawac ah ay qaateen Maleeshiyaadkii soo weeraray kuwaasi oo iyagu doonaya inay wiiqaan Ajaaniibta ka hor timid Horjoogaha cusub ee Khawaarijta Ajaaniibta ah ee Jacfar Suudaani.
Dhinaca kale Maleeshiyaad daacad u ah Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Khawaarijta ah ee Salmaan Muhaajir ayaa isku diyaarinaya iney weerarro ku qaadaan Xabsi ku yaala gudaha Jilib kaasi oo dhowaan lagu xeray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal Ajaaniib ah kuwaasi oo Horjooge Maxamed Amiin oo dhalasho ahaan ay aad isugu dhow yihiin Mahad Karataay uu kasoo qafaashay deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Dhexe.
Xabsigan waxaa gacanta ku haya Horjooge Baashaaloow oo ka mid ah Horjoogayaasha isna Mahad Karataay aad ugu dhow kuwaasi oo hada dhammaantood u xuubsiibtay iney xoog ku maquuniyaad Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Ajaaniibta ah ee feker ahaan taabacsan Horjoogihii hore ee Ajaaniibta Salmaan Muhaajir kaasi oo hada Al-Shabaab qudhoodu ay si aad ah u doon doonayaan isaga oo ku dhuumaaleeysanaya deegaanno hoos taga degmada Jilib.
Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab wixii ka dambeeyey intii ay sida xun ugu jabeen hawlgallada bilihii lasoo dhaafay ka soconayey gobollada Dalka oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo xoogagga Xoreynta deegaanka , hawlgalladaas oo ay Khawaarijtu ku waayeen deegaanno iyo degmooyin badan waxaa si aad ah usoo shaac baxayey khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha kaasi oo markii hore ku bilowday isku eedeynta guul darrada iyo jabka kooxda.
Al-Shabaab, oo hada ku jira maalmihii ugu dambeeyey ee dhammaadkooda waxa ay maalmahoodii ugu dambeeyey ku qaadanayaan iney isku ugaarsadaan magaallooyin iyo deegaanno ay dhowr iyo toban sano si xoriyad leh ugu tamashleyn jireen ayaga oo ku dhibaateyn jiray shacabkeenna Soomaaliyeed balse markan Alle ayaa garabkooda ka baxayoo waa geeri sugayaal.