Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoojinta cilaaqaadka Baarlaamanada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo laga shiray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xoojinta cilaaqaadka Baarlaamanada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafdi xildhibaanno ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026

kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xilshibaan Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugidda Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgallada amniga iyo ladagaallanka argigixisada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha dalalka Jabuuti, Kanada iyo Kuubba

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo la kulmay Ergeyga Dowladda ee arrimaha Somaliland

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo la kulmay Ergeyga Dowladda ee arrimaha Somaliland

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo la kulmay Ergeyga Dowladda ee arrimaha Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In