Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Aadam Aw Xirsi iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shirka Arimaha Beni’aadannimada kaga qayb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo ay ka jeediyeen qudbad ay kaga hadlayeen xaaladda beni aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arimaha Beni’aadannimada, Barakaca ka dhashay fatahaadaha Baardheere iyo colaadaha ka jira dalka.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadama deeqda bixiye sida Midawga Yurub, Shiinaha iyo wadamada Carabta, sidoo kale waxa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha Beni’aadannimada.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay wafuud kale oo ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka hawlgala dalka.